Martin Odegaard ayaa digniin u diray kooxaha ku loolamaya horyaalka Premier League bilaha ugu dambeeya xilli ciyaareedka premier league.
Arsenal ayaa fadhisa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo 9 dhibcood ka hooseysa kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool – kuwaasoo iyagana kulan baaqi u ah.
Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Gunners Odegaard ayaa aaminsan in kooxdiisu ay ku guulaysan karto horyaalka premier league.
Isaga oo la hadlaya mirror ayaa yidhi”kooxdu waxa ay joogtaa boos Fiican, laakiin waxa aan dareemayaa in aan sii fiicnaan karno Inta ka dhiman xilli ciyaareedka”.
“Xilli ciyaareedkii hore waxa aan qaab ciyaareedka ugu fiican Gaadhay bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka, Waxaan rajeyneynaa inaan mar kale sameyn karno taas oo aan ku dhamaysan karno si fiican xilli ciyaareedka”.
Be the first to comment