Martin Keown Oo Tilmaamay Tababarihii Sababta U Ahaa In Ay Arsenal Ku Fashilanto Ku Guulaysiga Premier League.

Martin Keown ayaa aaminsan in Unai Emery uu sabab u ahaa in ay Arsenal ku fashilantay ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga Arsenal ayaa sheegay in uu Emery si aad ah u doonayay in uu ka badiyo kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa lumisay horyaalka malaintii ugu dambaysay kadib markii ay Man City ka badisay Wes Ham.

Keown ayaa sheegay in guuldarooyinkii Arsenal ka soo gaadhay Aston Villa kulamadii mininka iyo martida ay sabab u ahaayeen in ay Arsenal lumiso premier League.

“Waxa ay Arsenal la dagaalaysay Man City, hadii ay Arsenal bar-baro la gali lahayd Aston Villa isla markaas kulanka kale badin lahayd waxa ay ku guulaysan lahayd horyaalka”.

“Waxay ila tahay in sababta ay Arsenal ugu guulaysan wayday horyaalka ay tahay Unai Emery – waxa uu lix dhibcood ka qaatay Arsenal”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga