Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa qirtay in Romeo Lavia laga yaabo inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado kadib dhaawac uu soo gaaray.
Lavia ayaa ciyaaray kaliya lix daqiiqo kulankii ay Chelsea barbaraha 2-2 la gashay Qarabag habeenkii Arbacada ee Champions League.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium ayaa la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhaawac iyo diyaar-garro la’aan tan iyo markii uu kaga soo biiray Blues kooxda Southampton.
Isagoo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaartii ka dhacday magaalada Baku, Maresca ayaa muujiyay niyad-jab weyn oo uu ka qaaday dhaawaca Lavia.
Wuxuu yiri:
“Waan ka xunnahay Romeo Lavia. Ma awoodi doono inuu si dhakhso ah u soo kabto — wuxuu maqnaan doonaa muddo dheer,” ayuu yiri Maresca.
“Waan arki doonnaa hadda, waa goor hore in la ogaado nooca dhaawac ee uu qabo. Waxaan u maleynayaa inuu dhaawac ka gaaray muruqa bowdada”
Be the first to comment