
Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa qirtay in ay noqon karto “mid suurtagal ahayn” in koox kasta ay la tarto Liverpool tartanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kaddib shan kulan oo la ciyaaray, Reds ayaa badisay dhamaan kulamadii ay ciyaartay waxana ay haystaan calaamad dhamaystiran.
Kooxda Maresca ayaa haatanba 7 dhibcood ka dambaysa Liverpool premerier League xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa ku guulaystay premier League xilli ciyaareedkii hore iyada oo 4 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.
Maresca ayaa qirtay:
“Haddii ay sidaan ku sii socdaan, waxaan aaminsanahay in ayna suurtagal ahayn in la qabto, kaliya Chelsea maaha laakiin dhamaan kooxaha kale”.
Tababaraha Chelsea wuxuu muujiyay in qaabka ay Liverpool u bilaabatay xilli ciyaareedka ay ka dhigeyso kuwo aad u adag in lala tartamo, haddii aysan hoos u dhicin.
Maresca wuxuu sidoo kale yiri:
“Waxay shaqo cajiib ah qabanayeen tan iyo xilli ciyaareedkii hore, ciyaartoyda ay doorteen inay iibsadaan waxay muujinayaan ujeeddada kooxda – in ay mar kale u tartanto Premier League iyo Champions League, taasina waa arrin aad u cad.”
Be the first to comment