
Marcus Rashford ayaa ku eedeeyay “jawiga aan degganayn” sababta uu ugu adkaaday inuu si joogto ah u soo bandhigo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xilli ciyaareedyadii u dambeeyay.
Weeraryahanka ayaa qirtay in uu u baahan yahay inuu ka shaqeeyo sidii uu u noqon lahaa mid la isku halleyn karo, balse wuxuu sidoo kale tilmaamay in xaaladda ku xeeran Manchester United aysan siin fursad wanaagsan oo uu ku gaadho heerkiisa ugu sarreeya.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa amaah ugu biiray Barcelona bilowgii xilli ciyaareedkan, wuxuuna si fiican ugu soo baxay tan iyo markii uu si buuxda ula qabsaday kooxda reer Catalonia.
Inkastoo Barcelona ay markii hore ka shakiyeen saxiixa xiddiga xulka England, haddana haatan waxay u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay si toos ah ula wareegaan xiddiga xagaaga.
Xiddiga kasoo baxay akadeemiyada Manchester United ayaa haatan hoggaaminaya kooxda Barcelona dhanka goolasha iyo caawinta.
Weeraryahankan ayaa dhaliyay 3 gool isla markaana bixiyay 5 caawin todobadiisii kulan ee ugu dambeysay ee uu u ciyaaray Barca.
Qaab ciyaareedka fiican ee Rashford uu haatan ku jiro wuxuu ka dambeeyay waqti adag oo uu soo maray. Wuxuu ka baxay qorshihii kooxda koowaad ee Manchester United kadib imaanshihii tababaraha Ruben Amorim, taasoo keentay in loo diro amaah uu ugu biiray Aston Villa. Intaas ka hor, xagaagan wuxuu qeyb ka ahaa ciyaartoyda loo yaqaan ‘bomb squad’ — kuwaas oo laga reebay safarkii kulamadii isdiyaarinta ee xilli-ciyaareedka oo ay saaxiibadiis ku tageen dibadda.
Tan iyo markii uu ku soo baxay kooxda koowaad ee United sannadkii 2016, isagoo uu tababare u ahaa Louis van Gaal, Rashford wuxuu ka hoos ciyaaray siddeed tababare oo kala duwan. Intii uu joogay, United waxay ku guuleysatay Europa League iyo FA Cup, balse wali ma aysan gaarin heerarkii guulaha waaweyn ee ay ku caan baxday xilligii Sir Alex Ferguson.
Rashford ayaa rajeynaya inuu xasillooni iyo joogteyn ku soo celiyo noloshiisa iyo habka uu u tababarto si uu mar kale u helo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
“Joogteyntu waa qayb aad u weyn oo muhiim ah,” ayuu u sheegay ITV.
“Waxaan dareemayaa in aan muddo aad u dheer ku jiray jawi aan degganayn,” ayuu Rashford yiri. “Marka taas la eego, waxaa xitaa ka sii adag in aad adigu joogto noqoto”.
“Joogteyntu waa waxa aan u baahanahay inaan kusoo kordhiyo ciyaartayda. Waxaan doonayaa inaan sidaas sameeyo — waxaan rabaa inaan noqdo mid heerkiisa ugu sarreeya joogo, ma aha mararka qaar, balse inta ugu badan ee suuragalka ah.”
Be the first to comment