Marco van Basten Oo Fariin U Diray Arne Slot Kaas oo Lala Xidhiidhinayo Liverpool.

Marco van Basten ayaa ku taageeray Arne Slot inuu Jurgen Klopp ka bedelo tababaraha Liverpool xagaagan.

Ka dib markii uu Feyenoord ku hogaamiyay horyaalkoodii ugu horeeyay ee Eredivisie lixdii xilli ciyaareedkii hore, Slot waxaa dooneysay Tottenham laakiin 45-sano jirkaan ayaa doortay inuu qandaraas cusub oo seddex sanno ah u saxiixo kooxda reer Holland.

Slot wuxuu ku riyaaqay guulo dheeraad ah xilli ciyaareedkan isagoo Feyenoord ku hogaamiyay guushii ay ka gaareen NEC Nijmegen finalkii KNVB Cup ee isbuucaan.

Tababaraha reer Holland ayaana haatan si weyn loola xiriirinayaa kooxda Liverpool xagaagan xilli ay Liverpool raadinayso badalka Klopp.

“Waxaan u maleynayaa inuu runtii fiican yahay,” Van Basten ayaa ka yidhi Slot.

“Waxaan rajeynayaa inuu sii joogo Netherlands waqti dheer sababtoo ah waxay kobcin u tahay kubada cagta Holland. Runtii meel kasta wuu aadi karaa – Bayern Munich, Liverpool… Runtii taas waan ku qanacsanahay”.

“Dhowr jeer ayaan la hadlay isaga, waxaana u maleynayaa waxa uu sameeyo iyo waxa uu arko inay aad u xoogan yihiin. Si fiican ayuu ula dhaqmaa xiddigaha kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga