Xiddiga cusub ee Man City Marc Guehi ayaa ka hadlay fashilkii ku biirista kooxda Liverpool suuqii xagaaga.
Liverpool ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa Marc Guehi iyaga oo doonayay in ay ku xoojiyaan daafacooda.
Wax walba oo heshiiska ah ayaa la isla meel dhigay laakiin heshiiska ayaa bur-buray daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Xiddiga Marc Guehi ayaa haatan ku biiray kooxda Man City kadib markii uu qaybtii hore ee xilli ciyaareedka ku qaatay Crystal Palace.
Guehi ayaa wax laga waydiiyay fashilkii heshiiskii uu ugu biirayay kooxda Liverpool suuqii xagaaga.
“Haa, waa arrin la wada ogyahay in aan doonayay inaan aado Liverpool, iyaga ayaana ahaa doorashadaydii koowaad”ayuu yidhi.
“Laakiin hadda arrintaasi waa wax ina soo dhaaay horay ayaan u soconayaa”.
Be the first to comment