Marc Guehi: Waligay Kuma Riyoon In Aan Ka Soo Muuqdo…

Saxiixa cusub ee Manchester City, Marc Guehi, ayaa muujiyay farxaddiisa ku aaddan fursadda uu ugu ciyaari karo tartamada Yurub, isagoo qirtay inuusan waligiis xitaa ku riyoon jirin inuu ka soo muuqdo Champions League.

Difaaca dhexe ee 25-jirka ah weli diyaar uma aha kulanka soo socda ee City ay la ciyaarayso Bodo/Glimt, balse kooxda ayaa awood u yeelan doonta inay diiwaangeliso saddex ciyaaryahan oo cusub liiska Yurub haddii ay gaaraan wareegyada bug-baxa.

Guehi ayaa yiri:
“Waa wax aan dhammaanteen ku soo kornay daawashadiisa. Ma dhihi karo waxay ahayd riyo, sababtoo ah xitaa ma aanan ogeyn. Aniga oo da’daas ah, waxay ila muuqatay wax aad uga fog.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Laakiin waxay noqon lahayd guul weyn iyo sharaf aad u weyn in aan hortooda u soo baxo taageerayaasha City kulamada Champions League. Runtii way fiicnaan lahayd.”

Guehi ayaa sidoo kale yiri:
“Waa koox leh waayo-aragnimo cajiib ah, oo ay ku jiraan ciyaartoy badan oo heer aad u sarreeya ka soo ciyaaray kuna guuleystay waxyaabo badan, isla markaana ay ku jiraan ciyaartoy dhallinyaro ah oo xiiso leh oo ku soo biiray kooxda si ay iyaguna ugu dadaalaan sida ugu fiican.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga