Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca kooxda Crystal Palace, Marc Guehi iyada oo xiddigu isku diyaarinayo in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.
Sida uu sheegay Ben Jacobs, heshiiskan ayaa lagu qiyaasay £20 milyan oo la bixinayo markiiba, halka gunnooyin ay wadarta guud gaarsiinayaan ku dhowaad £30 milyan.
Crystal Palace ayaa markii hore dalbatay £35 milyan si ay u fasaxdo difaaca dhexe ee 25-jirka ah, balse marka gunnooyinka lagu daro, heshiisku wuxuu ku dhowaanayaa qiimahaas.
Kooxdu waxa ay go’aansadee in ay hadda iibiyaa halkii ay halis u geli lahaayeen in ay Guehi ku waayaan si bilaash ah marka qandaraaskiisu dhammaado.
Guehi ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man City markiiba waxana uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.
Xiddiga reer England ayaa sidoo kale ka mid noqon doona xiddigaha ugu mushhaarka badan kooxda isaga oo todobaadkii u xaadiri doona lacag dhan 300 kun oo Gini.
Be the first to comment