
Daafaca Crystal Palace ee Marc Guehi ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in loo xaqiijiyo boos ka hor inta uuna xagaagan u dhaqaaqin Liverpool.
Reds ayaa dhawaan soo bandhigtay Florian Wirtz oo ah saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo heshiis rikoor ah oo dhan 116 milyan kula soo saxiixday.
Laakiin Reds ayaa durba u dhaqaaqaysa saxiixa daafac dhexe iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay xiddiga kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi.
Marc Guehi oo hal sano ka dhiman yahay heshiiskiisa Palace ayaa u furan ku biirista kooxda Liverpool suuqa xagaaga.
Laakiin xiddiga ayaa hal shardi ku xidhay u dhaqaaqista Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Marc Guehi ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu Liverpool ka helo balan-qaad ah in uu joogto uGu ciyaaro ka hor inta uuna ku biirin kooxda.
Be the first to comment