
Marc Guehi ayaa go’aansaday inuu doonayo hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool inay noqoto kooxiida cusub waxaana lagu soo waramayaa inuu ku faraxsan yahay inuu sugo ilaa inta uu ku biirayo kooxdaas.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa Crystal Palace kaga soo biiray Chelsea 2021 ka dib labo amaah oo uu ku qaatay Swansea, waxaana uu noqday xiddig muhiim u ah kooxda isaga oo u ciyaaray 133 kulan.
Waxa uu u saftay xulka Euro 2024 xagaagan, isagoo bedelay Harry Maguire, isagoo ku soo bilowday dhammaan marka laga reebo hal kulan.
Xili ciyaareedkan waxa uu noqday kabtanka kooxda Palace ee dhibtoonaysa isaga oo ciyaaray 22 kulan tartamada oo dhan waxana uu noqday xiddiga ugu muhiimsan kooxda.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha waaweyn ee premier League.
Guehi ayaa la rumeysan yahay inuu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa Waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Liverpool.
Haddii bixistiisu ay dhacdo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha January ama xagaaga, daafaca dhexe wuxuu doonayaa inuu aado koox Champions League ka ciyaarta.
Be the first to comment