Marc-Andre ter Stegen Oo Isha Ku Haya Rikoodh Shaqsi Ah Kulanka El-Clasico.

Goolhayaha Kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen ayaa isha ku haya rikoodh shaqsi ah marka ay kooxdiisu la ciyaarayso Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa u dagaalamaysa sidii ay u sii xijisan lahayd rajadooda yar ee ay ku difaacanayaan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Marc-Andre ter Stegen ayaa sii wada qaab ciyaareed cajiib ah todobaadyadii ugu dambeeyay isaga oo shabaqiisa ilaashaday 6 kulan oo xidhiidh ah horyaalka.

Sida laga soo xigtay wargayska AS, Marc-Andre ter Stegen Ayaan wax gool ah laga dhalin 583 daqiiqo oo uu ciyaaray halka uu rikoodhka shaqsiga ah ee haatan yahay 636 daqiiqo.

Hadii uu shabaqiisa ilaashado kulanka 53 daqiiqo ee kulanka El Clasico waxa uu dhaafi doonaa rikoodhkii uu dhigay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga