Manuel Ugarte Oo Ka Jawaabay Xiisaha Man United

Manchester United ayaa sare u qaaday wadahadalada ay kula jirto Paris Saint-Germain ee ku aadan Manuel Ugarte iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

United ayaa xiisaheeda xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay si rasmi ah u shaacisay todobaadkan iyada oo ay wararku soo jeedinayeen in kooxda heysata horyaalka France ay diiday dalab furitaan ah oo ‘si weyn uga hooseeya’ qiimeyntooda.

Ugarte ayaa PSG kaga soo biiray Sporting Lisbon xagaagii lasoo dhaafay heshiis ku kacaya 51 milyan kadib markii uu bur-buray heshiiskii uu ugu biirayay Chelsea.

Xiddiga ayaa joogto ugu ciyaaray kooxda PSG qaybtii hore ee xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uuna lumin booskiisa qaybtii dambe.

PSG ayaa dooneysa inay dib u soo ceshato 51 milayn ee ay ka bixisay xiddiga, Romano ayaana sheegay in ay Man United wadahadalo kula irto kooxda PSG.

Ugarte ayaa u furan in uu ku biro Man United xitaa hadii ayna kooxdu ka ciyaarayn champions Legaue.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga