
Manuel Akanji ayaa ku adkeysanaya in Manchester City ay ku raaxeysan doonto isreebreebka wareega 16ka Champions League ee kooxaha Real Madrid ama Bayern Munich.
Man City ayaa u baahatay maalintii ugu dambeeysay si ay ugu soo baxaan kulanka is reeb-reebka champions league.
Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta Real Madrid si ay ugu gudubto wareega 16-ka tartanka champions league.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Man City ee Akanji ayaa sheegay in ay kooxdiisu garaaci karto koox kasta oo ay ku aado yurub.
“Sida iska cad maahan kooxaha aad rabto inaad wajahdo, laakiin cid kasta oo ay tahay, waxaan sugaynaa tartanka,waxaana qabaa inaan garaaci karno koox kasta oo Yurub ah,” ayuu yidhi.
“Waxaa hubaal ah inaan diyaar u nahay.”
Be the first to comment