Manuel Akanji Oo Digniin U Diray Real Madrid Kadib Isku Aadkii Kulanka Is-reeb-reebka Champions League.

Manuel Akanji ayaa ku adkeysanaya in kooxda Man City ayna lumin awoodooda ay kaga adkaan karaan kooxaha waaweyn ee yurub.

Akanji waxa uu aaminsan yahay in kooxda Pep Guardiola ay xitaa sii wadi karto oo ay mar kale ku guuleysan karto champions League xilli ciyaareedkan.

Hadalka Akanji way adagtahay in la aqbalo marka la eego in ay kooxdu ku jirto xilli ciyaareed aad u adag iyaga oo ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedka.

Akanji ayaa yiri: “Sida iska cad ma ahan kooxda aad dooneyso inaad wajahdo, laakiin waxaan diyaar u nahay, waxaana rajeyneynaa tartanka, waxaan u maleynayaa inaan garaaci karno koox kasta oo Yurub ah, sidaas darteed, xaqiiqdii diyaar ayaan u nahay.”

“Ma garanayo waxa ka dhacaya madaxooda (kooxaha ay xafiiltamaan), laakiin waxaan qabaa inaan garaaci karno koox kasta oo Yurub ah, marka qof kasta oo yimaada, waxaan diyaar u nahay loolankaas”.

“Inkasta oo aanan u ciyaarin sidii hore oo kale, hadana waxaan filayaa in ayna jirin koox doonaysa in ay na wajahdo, waxa aanu garaacnay chelsea dhamaadkii todobaadka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga