Man United Oo Weerar Kale Ku Qaadaysa Bayern Munich

Manchester United ayaa bartilmaameedsanaysa xiddigaha Bayern Munich Leroy Sane, Leon Goretzka iyo Alphonso Davies, sida ay wararku sheegayaan.

Red Devils ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda ka dib qaab ciyaareed liita oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Erikn Ten Hag oo soo tababaray da’yarka Bayern Munich intii u dhexaysay 2013 ilaa 2015 ayaa kooxda Bayern Munich xagaagii kala soo wareegay xiddigaha Matthijs de Ligt Iyo Noussair Mazraoui.

Sida laga soo xigtay Sky Germany weerarka United ee Bayern Munich wali ma dhamaan.

Shabakada ayaa sheegaysa in ay Man United si dhaw ula socoto xiddigaha Sane, Goretzka iyo Davies ka hor suuqa January.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga