
Manchester United waxay rajeynayaan in Matheus Cunha uu ka badbaado dhaawac dheer kadib markii uu qasab ku noqday inuu ka baxo ciyaartii guusha leh ee ay todobaadkii la soo dhaafay ka gaareen Burnley.
Cunha wuxuu u muuqday inuu qabo dhaawac muruqa bowdada ah ka hor inta aysan ciyaartu gaarin 30 daqiiqo intii lagu jiray ciyaartii Premier League ee Sabtida la soo dhaafay ee ka dhacday Old Trafford.
Joshua Zirkzee ayaa lagu soo beddelay Cunha, kaas oo 26 jir ah oo garoonka ka baxay isla markaana si toos ah uga baxay tunnel-ka, halka Ruben Amorim uu ciyaarta kadib qirtay inuu ka welwelsanaa weeraryahanka, sidoo kale Mason Mount oo sidoo kale lagu qasbay inuu ciyaarta ka baxo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray rajo badan galabtii dambe markii Cunha lagu arkay isagoo si xor ah oo raaxo leh u socday markii uu ka baxay garoonka, sidoo kalena usbuucan ku qoray baraha bulshada inuu “si dhow u soo laaban doono.”
iyada oo United la ciyaari doonto Man City kadib fasaxa caalamiga ah sidoo kale ay la ciyaari doonto Chelsea, Amorim ayaa doonaya in uu xiddiga 62 milyan uGu soo biiray uu taam noqdo sida ugu dhakhsaha badan.
Be the first to comment