Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in daafaca dhexe ee Harry Maguire uu garoomada ka maqnaan doono ku dhawaad 3 todobaad kadib dhibaato dhanka muruqa ah.
Maguire ayaa ahaa daafaca dhexe ee kaliya ee kooxda u taamka ah iyada Oo ay dhaawac ku maqan yihiin xiddigaha Victor Lindelof, Lisandro Martinez, Raphael Varane iyo Jonny Evans.
Evans ayaa ku soo laabtay tababarka khamiistii, si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Northern Ireland ayaa laga yaabaa inuu haatan dib ugu soo laabto shaxda kooxda kulanka Crystal palace ee Isniinta.
“Harry Maguire waxa soo gaadhay dhaawac muruqa ah kaas oo garoomada ka maqnaan doona ilaa saddex todobaad” ayaa lagu yidhi bayaan la soo dhigay website-ka rasmiga ah ee Man United galabnimadii Axada.
Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man United ayaa rajo ka qabta in Maguire uu taam u noqon doono finalka FA Cup ee ay la ciyaarayaan Manchester City 25ka May.
Maguire ayaa 31 kulan u saftay Man United oo ay ku jiraan 22 kulan oo Premier League ah
Be the first to comment