Man United Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Man United.

Wargeyska The Sun ayaa daaha ka qaaday in daafaca reer Morocco Noussair Mazraoui laga yaabo inuu ku soo laabto safka Manchester United kulankooda soo socda ee Premier League oo ay la ciyaarayaan Liverpool garoonka Anfield.

Mazraoui, oo 27 jir ah, ma uusan ciyaarin tan iyo Sebteembar 20 sababo la xiriira dhaawac aan si faahfaahsan loo shaacin, hase yeeshee wuxuu ka qayb galay tababarka xulka qaranka Morocco iyagoo isku diyaarinaya ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Ciyaaryahanku wuxuu maray baaritaan caafimaad iyo tababar soo kabasho ah kahor inta uusan dib ugu biirin tababarka United ee Carrington.

Waxaa xusid mudan in Mazraoui uu ku biiray Manchester United sanadkii 2024 isagoo ka yimid Bayern Munich, wuxuuna xilli ciyaareedkii hore ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo uu si joogto ah u adeegsaday tababare Ruben Amorim, isagoo ka qeyb galay 38 ciyaarood oo ka mid ah 42 kulan.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkan wuxuu u muuqday kaliya saddex jeer, balse hadda wuxuu dib ugu soo laabtay si uu u xoojiyo xulashooyinka kooxda kahor kulanka adag ee Liverpool.

Manchester United waxay rajaynaysaa inay gaadho guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii ay guushoodii ugu dambaysay ka gaadheen Sunderland ka hor fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga