Man United Oo Walaac Ka Muujisay Dhaawaca Leny Yoro.

Saxiixa cusub ee Manchester United Leny Yoro oo ku kacaya 59 milyan ginni ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo dheer ka dib dhaawac cagta ah.

Yoro, oo horaantii bishaan laga soo iibsaday Lille, ayaa ku dhaawacmay kulankii United ay 2-1 guuldarada ah kala kulantay Arsenal sabtidii garoonka SoFi Stadium ee Los Angeles, iyadoo laga cabsi qabo inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado.

Daafaca dhexe ayaa soo baxay daqiiqadii 33-aad ee guuldarada waxaana la sawiray isaga oo isticmaalaya biraha oo xiran kabo caag ah oo ilaalinaya cagtiisa bidix.

Waayida suurtagalka ah ee Yoro muddo dheer ayaa dhabar jab weyn ku ah United iyo tababare Erik ten Hag, kaasoo qorsheynayay inuu xilli ciyaareedka cusub la bilaabo 18 jirkaan oo udub dhexaad u ah difaaciisa cusub.

Haddii Yoro la heli waayo bilowga xilli ciyaareedka, waxay la macno noqon kartaa in United ay ololaha cusub ku bilowdo Harry Maguire iyo Jonny Evans oo daafaca dhexe ah.

Lisandro Martinez, oo ah dooqa koowaad ee daafaca dhexe ee Ten Hag, ayaan weli ku soo laaban tababarka ka dib markii uu Argentina ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​Copa America, waxaana laga yaabaa inuusan diyaar u aheyn inuu ku bilowdo furitaanka Premier League ee guriga Fulham 16ka August.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga