Man United Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Benjamin Sesko

Kooxda Man United ayaa heshiis la gaadhay kooxda RB Leipzig si ay ula soo saxiixato xiddiga Benjamin Sesko.

Man United ayaa xiddiga 22 jirka ah ka bixinaysa lacag dhan 76.5 milyan euro oo halka hore ah Iyo 8.5 milyan oo guno ah.

Xiddiga reer Slovenia ayaa haatan ogolaansho loo siiyay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United.

Xiddiga Sesko ayaa noqon doona saxiixii ugu dambeeyay ee ay kooxdu samayso suuqa kala iibsiga xagaagan.

United ayaa saxiixa Sesko ku garaacday kooxda Newcastle oo si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga