Man United Oo Suuqa Dhigtay Laba Xiddig

Manchester United ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Christian Eriksen iyo Victor Lindelof ka hor suuqa kala iibsiga ee January sida ay sheegayaan wararku.

Labada xiddig ayaa ka baxay qorshaha tababare Amorim sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Labada ciyaaryahan, oo labaduba qandaraaskoodu uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa ku dhibtooday in ay boos ka helaan kooxda tababare Amorim.

Suuqa January ayaa ah fursadii ugu dambaysay ee ay United ku iibin karto Eriksen iyo Lindelof ka hor inta ayna awood u yeelan in ay xagaaga si xor ah uga baxaan Old Trafford.

“Eriksen iyo Lindelof waxa la dhigayaa suuqa January laakiin haatan ma jiraan wax la taaban karo oo dalabyo ah”ayuu Amorim yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga