Kooxda Manchester United ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 3-2 kaga adkaatay Fulham, kulan ka tirsanaa wareegga 24-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League), kaas oo ka dhacay garoonka Old Trafford.
Manchester United ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 41 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta afraad ee jadwalka guud, halka Fulham ay ku hakadeen 34 dhibcood, kana jiraan booska siddeedaad.
Manchester United ayaa goolka hoggaanka dhashay daqiiqaddii 19-aad, waxaana u dhaliyay xiddiga reer Brazil Casemiro, isagoo ku dhaliyay madax qurux badan kaddib karoos uu ka helay Bruno Fernandes oo ka yimid laad xor ah.
Daqiiqaddii 56-aad, Matheus Cunha ayaa dhaliyay goolka labaad, isagoo ka faa’iideystay baas uu ka helay Casemiro. Fulham ayaa yareysay farqiga markii Raúl Jiménez uu rigoore ku dhaliyay daqiiqaddii 85-aad.
Fulham ayaa goolka barbaraha keentay daqiiqaddii 90+2, waxaana dhaliyay Kevin Santos oo ku hubsaday kubbad qurux badan oo uu ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa. Si kastaba ha ahaatee, Benjamin Šeško ayaa dhaliyay goolka guusha ee dilka ahaa daqiiqaddii 90+4, kaddib caawin uu ka helay Bruno Fernandes.
Be the first to comment