Man United ayaa si xoog leh u garaacay Aston Villa iyagoo 3–1 kaga adkaaday kulankii ay wada ciyaareen habeenkii Axadda, kaasoo ka tirsanaa wareegga 30-aad ee Premier League.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay barbaro, inkastoo labada kooxood ay sameeyeen isku dayo badan si ay u helaan goolka koowaad. Kadib nasashada, ciyaaryahanka reer Brazil Casemiro ayaa dhaliyay goolka koowaad daqiiqaddii 53-aad, isagoo caawin ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes.
Kulanka Manchester United iyo Aston Villa ayaa ugu dambayn ku dhammaaday 3–1 oo ay ku badisay United.
Ciyaaryahanka Ross Barkley ayaa barbaraha u keenay kooxda martida ahayd daqiiqaddii 64-aad, laakiin Matheus Cunha ayaa mar kale United hoggaanka u soo celiyay gool uu dhaliyay daqiiqaddii 71-aad, iyadoo mar kale caawin uu bixiyay Bruno Fernandes. Kadib Benjamin Šeško ayaa ciyaarta soo xiray isagoo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 81-aad.
Guushan ayaa ka dhigtay Manchester United inay keligeed gasho kaalinta 3-aad, iyadoo 3 dhibcood ka sarreysa Aston Villa, kuwaas oo hore dhibco isku mid ah u lahaa. United sidoo kale waxay 7 dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad.
Dhanka kale Aston Villa waxay ku jirtaa kaalinta 4-aad, iyadoo 3 dhibcood ka sarreysa Chelsea oo ku jirta booska 5-aad, iyadoo 8 wareeg ay ka harsan yihiin dhammaadka horyaalka, halka Arsenal ay hoggaaminayso jadwalka iyadoo leh 70 dhibcood.
Be the first to comment