
Rasmus Hojlund ayaa laga yaabaa in kooxdiisii hore ee Atalanta BC ay u soo bandhigto waddo uu kaga baxsan karo Manchester United, sida lagu sheegay warbixin.
22 jirkan ayaa hal xilli ciyaareed ku qaatay Atalanta waxana uu dhaliyay 10 gool 34 kulan oo uu saftay ka hor inta uuna 72 milyan ugu wareegin Old Trafford xagaagii 2023.
Hojlund ayaa tan iyo markaas ku guul daraystay in uu gaadho heerkii laga filayay Man United waxana uu si gaar ah u dhibtoonayay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay kaliya 9 gool 46 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa shabaqa soo taabtay afar jeer 29 kulan oo Premier League ah, oo uu ku jiro goolkii barbaraha ee waqtigii dhimashada kulankii ay Red Devils barbaro 1-1 ah la gashay Bournemouth ee todobaadkan.
Inkastoo Hojlund uu weli seddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Old Trafford, weeraryahanka ayaa la rumeysan yahay inuu mustaqbal aan la hubin ku wajihi doono kooxda Ruben Amorim, waxaana la saadaalinayay inuu ka tago xagaagan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Man United ay go’aansatay inay ceshato Joshua Zirkzee – weeraryahan kale oo ku dhibtooday xilli ciyaareedkan oo dhan, waxaana suuqa la dhigi doonaa Hojlund, kaasoo laga yaabo in uu ku boxo lacag dhan 30 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay The Sun, Man United ayaa sidoo kale ka fiirsan doonta inay ku darto Hojlund heshiis isku badalasho ah oo ay kula soo saxiixaneyso xiddiga Atalanta Ademola Lookman xagaagan.
Hojlund ayaa la sheegay inuu weli aad ugu jecel yahay taageerayaasha Atalanta, kooxda Serie A ayaana diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka haddii United ay go’aansato inay yareyso khasaaraha.
Be the first to comment