Man United oo qorshe cusub ka leh heshiisyada Bruno Fernandes iyo Lisandro Martínez, Fabrizio oo kashifay

0

Manchester United ayaa wada-hadallo ka yeelanaysa qandaraasyada cusub ee Bruno Fernandes iyo Lisandro Martínez, sida uu shaaciyay wariyaha suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.

Bruno Fernandes qandaraaskiisa hadda wuxuu dhacayaa 2027, balse Manchester United waxay haysataa ikhtiyaar ay ku kordhin karto ilaa 2028. Romano ayaa sheegay in aysan weli jirin heshiis cusub, balse wada-hadalladu ay socdaan, kooxda ayaana weli gacanta ku haysa xaaladda.

Advertisment

Wada-hadallada Bruno kuma koobna mushahar oo keliya, balse waxaa sidoo kale laga hadlayaa muddada qandaraaska iyo qodobka fasaxa bixitaanka. Qandaraaskiisa hadda waxaa ku jira release clause ku kacaya €65 milyan.

Dhanka Lisandro Martínez, xaaladdu sidoo kale Manchester United ayay gacanta ugu jirtaa, maadaama kooxdu haysato ikhtiyaar ay heshiiskiisa ku kordhin karto ilaa 2028.

Romano ayaa sheegay in United ay weli si weyn u aaminsan tahay Lisandro, oo 28 jir ah, isla markaana ay u aragto hoggaamiye iyo daafac heer sare ah, inkastoo uu dhaawacyo la kulmay sanadihii ugu dambeeyay.

Wada-hadallo rasmi ah oo dheeraad ah ayaa la filayaa bilaha soo socda, waxaana hadda Lisandro uusan wadahadallo horumaray kula jirin koox kale.

Sidaas darteed, Manchester United ayaa hadda u aragta labada ciyaaryahan xaaladdooda mid gacanta lagu hayo, iyadoo kooxda ay haysato ikhtiyaarka qandaraasyadooda lagu kordhin karo ilaa 2028.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here