Manchester United waxay qorsheynayaan inay wadahadallo la furaan xulalka Cameroon, Morocco iyo Ivory Coast si dib loogu dhigo bixitaanka ciyaartoydooda muhiimka ah, ka hor bilowga Koobka Qaramada Afrika ee sanadkan.
Ciyaartoyda la hadlayo waa Bryan Mbeumo, Noussair Mazraoui iyo Amad Diallo.
AFCON sanadkan wuxuu bilaabanayaa 21-ka December wuxuuna dhammaanayaa 18-ka January, taas oo ka dhigan in United ay waayi doonto ciyaartoydan xilli ay jiraan kulamo aad muhiim u ah.
Si kastaba ha ahaatee, Amorim wuxuu rajo wanaagsan ka qabaa in heshiisyo laga gaari karo xiriiriyeyaasha kooxahaas qaramadooda.
United waxay rabaan inay ciyaartoydan haystaan kulanka ay December 8 la ciyaarayaan Wolves iyo ciyaarta ay December 15 ku wajahayaan Bournemouth garoonka Old Trafford.
Amorim wuxuu yiri:
“Waxaan isku dayeynaa inaan ciyaartoyga hayno muddo yar oo dheer, laakiin waan arki doonnaa. Waxay ila tahay laba toddobaad ka hor inta aan tartanku bilaaban. Waxaan isku dayi doonaa inaan wax la heshiino xidhiidhadooda”.
“Hore ayaan u ogayn [AFCON], sidaas darteed waa fursad u furnaata ciyaartoyda kale. Ma aha xaaladda ugu habboon, waayo waxay si aad ah muhiim ugu yihiin kooxda,” ayuu yiri Amorim.
Be the first to comment