Man United Oo Ogolaatay In Ay iska Iibiso Onana

Manchester United ayaa heshiis afka ah la gaartay kooxda Trabzonspor si ay amaah ugu qaadato Andre Onana.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya wuxuu hadda gacanta ku hayaa goolhayaha xulka Cameroon.

Onana xilli-ciyaareedkan wuxuu ka soo muuqday oo kaliya wareegga labaad ee Carabao Cup, ciyaartii ay ku hartay kooxdu Grimsby Town.

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ilaa hadda doorbiday Altay Bayindir in uu u ciyaaro kulamada Premier League ee kooxda.

Red Devils sidoo kale waxay xagaagan £18 milyan kula soo saxiixdeen Senne Lammens oo ka yimid kooxda Royal Antwerp.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa boggiisa X ku qoray: “Trabzonspor waxay heshiis afka ah la gaartay Manchester United si ay amaah ugu qaadato André Onana.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga