Man United Oo Marucs Rashford U Soo Bandhigtay Koox La Liga Ka Ciyaarta.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u bandhigtay Marcus Rashford kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Rashford ayaa qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2024-25 amaah ku qaatay Aston Villa isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa dhaliyay afar gool, waxaana uu caawiyay lix gool 17 kulan oo uu u saftay Villa, ka hor inta uusan dhaawac muruqa ahi soo afjarin amaahdii uu ku qaatay.

Rashford ayaa hadda ku soo laabtay Man United, laakiin ma muuqato rajo ah in uu dib ugu biiri doono kooxda Amorim.

Tababaraya ayaa xigaa laga yaabaa in uu xiddiga 27 jirka ah ka reebo kooxda Man United ee u safraysa maraykanka kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Inter Milan ayaa doonaysa in ay heshiis amaah ah kula soo wareegto Rashford, halka Barcelona sidoo kale lala xiriirinayo weeraryahanka Man United.

Sida laga soo xigtay Defensa Central, Man United ayaa Rashford u soo bandhigtay Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid joogto boos dhaqaale oo xoogan oo ay kula wareegi karto Rashford.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga