Man United Oo Loo Xaqiijiyay In Ay Ka Qayb Gali Doonaan Champions League Laakiin Hal Shardi Lagu Xidhay.

Manchester United ayaa loo xaqiijiyay inay ka qayb qaadan doonto tartanka Euoprean xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo Sir Jim Ratcliffe uu leeyahay kooxda Ligue 1 ee Nice.

Sida uu dhigayo go’aanka UEFA, laba kooxood oo ay leeyihiin hal milkiileyaal ma tartami karaan tartamada Yurub.

Sharcigu waxa uu dhigayaa in labada naadi mid ka mid ahi uu ka qaybgeli karo iyada oo kooxda ugu saraysa labada kooxood ka qayb gali karaan tartanka.

Sida ay hadda tahay, Nice ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee Ligue 1 halka United ay ku jirto kaalinta lixaad ee Premier League, taasoo la micno ah in kooxda Faransiiska loo ogolaan doono inay soo gasho Europa League marka loo eego United.

Xaaladahan oo kale, United ayaa markaas ku dhici doonta Europa Conference League.

Laakiin Daily Mail ayaa sheegeysa in UEFA ay u xaqiijisay United inay soo geli karto tartanka waa haddii ay caddeeyaan inaysan jirin koontaroolka labada kooxood oo is dul saaran, taasoo wiiqi doonta daacadnimada tartanka.

Ratcliffe wuxuu la wareegay Nice 2018, halka uu kaliya ku leeyahay saamiga lahaanshaha ee United 27.7%.

United ayaa wali rajo ka qabta in ay u soo baxdo champions League laakiin waxa ay 9 dhibcood ka dambeeyaan Aston Villa iyaga oo ciyaaray kulan ka yar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga