Man United Oo Loo Sheegay Xiddiga Ka Caawin kara In Ay U Soo Baxdo Champions League.

Xidigii hore ee Manchester United Alan Smith ayaa aaminsan in soo laabashada Lisandro Martinez ay kor u qaadi doonto Fursadaha kooxda Erik ten Hag ee u soo bixista Champions League.

Martinez ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay Manchester ka dib markii uu kaga soo biiray Ajax 2022, laakiin waxa uu ciyaaray kaliya 10 kulan xilli ciyaareedkan.

Daafaca dhexe ayaa dhaawacmay bishii September waxana uu ku maqnaa dhaawacaas muddo 6 bil ah laakiin waxa uu soo laabtay January waxana uu ciyaaray 4 kulan ka hor inta uuna mar kale dhaawacmin.

Martinez ayaa bartilmaameedsanaya soo laabashada kulanka sabtida ee Brentford iyada oo United ay u baahan tahay in ay si fiican u ciyaarto si ay fursad ugu hesho u soo bixista champions League.

Markii la weydiiyay haddii soo laabashada Martinez ay United dib ugu soo celin karto u soo bixitaanka Champions League, Smith wuxuu u sheegay Metro.co.uk”Haa”.

“Xaqiiqdii Martinez Waa xiddig Mihiim u ah kooxda waxana dhaawaciisu ahaa mid dhib ku ah kooxda”.

“Waxa aan qabaa in soo laabashadiisu siinayso Man United isku dheelitirnaan”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga