Dwight Yorke ayaa aaminsan in Manchester United ay ahayd inay Sii haysato xiddiga Aaron Wan-Bissaka isla markaas uu dareensan yahay in uu xiddigaas ka fiican yahay saxiixooda cusub ee Noussair Mazraoui.
Waxaa jiray is bedelo dhowr ah oo lagu sameeyay kooxda Erik Ten Hag xagaagan iyadoo Red Devils ay go’aansatay inay daafaca midig Wan-Bissaka kaga iibiso West Ham 15 milyan oo euro.
United waxa ay ku bedeshay Wan-Bissaka Mazraoui,waxana ay ku soo iibsatay xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco aduun dhan 12.8 milyan oo euro.
Yorke ayaa aaminsan in ay kooxdu samaysay khalad suuqa ah isla markaas kooxda Man United ku tilmaamay koox aan xirfadlayaal ahayn.
“Noussair Mazraoui waxa uu u yimid inuu beddelo Aaron Wan-Bissaka, laakiin qaabkii loogu isticmaalay United waxa ay ahayd mid aan xirfad lahayn”ayuu u sheegay Yorke.
“Isaga aad ayuu u wanaagsan yahay dhanka daafaca mana loo baran awoodiisa. Mazraoui wuxuu ku siin doonaa horay u socod badan haddii aad rabto qof qof weerar qaadaya”.
“Laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah difaac – taasina waa waxa Wan-Bissaka kaga fiican yahay, waxa ay ahayd in ay sii haysato”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment