Man United Oo Loo Sheegay In Ay Ka Shalayn Doonto Saxiixa Matthijs de Ligt, Noussair Mazraoui iyo Joshua Zirkzee

Manchester United ayaa laga yaabaa inay ka shallayso saxiixyada Matthijs de Ligt, Noussair Mazraoui iyo Joshua Zirkzee suuqa xaggaagan.

Taasi waa sida uu qabo xiddigii hore ee Premier League Danny Murphy, iyadoo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Liverpool uu ku dhaleeceeyay istiraatiijiyadda suuqa kala iibsiga ee United wareysi cusub.

De Ligt iyo Mazraoui ayaa u muuqda inay dhamaystiri doonaan heshiiska ay ugu biirayaan United iyadoo labada Bayern Munich ay qarka u saaran yihiin inay laba jibaaraan isku darka 60 milyan oo euro.

United ayaa horay Zirkzee ugala soo wareegtay kooxda reer Talyaani ee Bologna, iyadoo bixisay 36.5 milyan euro Laakiin maxay tahay sababta ay United uga shallayn karto saxiixa saddexdan ciyaartoy ka hor xilli ciyaareedka 2024-25?.

Waa maxay sababta ay Man Utd uga shallayn karto saxiixa Matthijs de Ligt?

Murphy waxa uu dareensan yahay in De Ligt uu ku fashilmay Juventus iyo Bayern Munich.

“Waxay tageen oo ay la soo wareegeen De Ligt, kaas oo laga saaray kooxda Bayern in badan xilli ciyaareedka isaga oo booskiisa u waayay Erik Dier”ayuu Murphy u sheegay TalkSport.

“Runtii ma uusan noqon dookha 1-aad ee Juventus waxana aan u malaynayaa in uu ku fashilmay Juventus iyo Bayern munich”.

Waa maxay sababta ay Man Utd uga shallayn karto saxiixa Noussair Mazraoui?

Murphy wuxuu aaminsan yahay in Mazraoui uusan ka wanaagsaneyn inuu horay u socdo Diogo Dalot halka uu sidoo kale qabo in Aaron Wan-Bissaka uu ka sarreeyo dhanka daafaca.

“Mazraoui kama fiicna Dalot marka laga hadlayo dhinaca weerarka”ayuu yidhi.

“Sidoo kale dhinaca daafaca kagama fiicna Aaron Wan-Bissaka”.

“Mazraoui ma ahan ciyaaryahan ka fiican Dalot. Waxaan arkay isaga oo ciyaaraya lix jeer. Isagu kama fiicna Dalot”.

Waa maxay sababta ay Man Utd uga shallayn karto saxiixa Joshua Zirkzee?

Murphy ayaa ku adkeysanaya in weeraryahanka cusub ee Zirkzee uu ku dhibtoon doono waqtiga ciyaarta, waxaana uu walaac ka muujiyay rikoorkiisa gool dhalinta.

“Zirzkee ma ahan gool dhaliye” Murphy ayaa yiri

“Ma ahan weeraryahan dhexe”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga