Man United Oo Loo Diidi Karo Ka Qayb Galka Champions League Xilli cigaareedka Dambe Xitaa Hadii Ay Ku Guulaystaan Europa League, Sabab.

Manchester United waxa ay soo martay xilli ciyaareed masiibo ah laakiin waxa laga yaabaa in ay ku soo gabagabayso koob maadaalma ay gaadhay Final Europa League.

Wadar ahaan 7-1 ay kaga badiyeen Athletic Club ayaa la macno ah in kooxda Ruben Amorim ay dib ugu laaban doonto Bilbao 10 maalmood gudahood halkaas oo ay ku wajihi doonaan Tottenham ka dib markii ay 5-1 kaga badiyeen Bodo/Glimt laba lugood.

Waxa kale oo xusid mudan in kooxaha ku guulaysta Europe League ay si toos ah ugu soo bixi karaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe, laakiin United ayaa laga ganaaxi karaa.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, looma ogolaan doono in ay Tartanka Champions League ka qayb galaan laba Kooxooda oo isku milkiile ah.

Maadaama Sir Jim Ratcliffe uu saami ku leeyahay labada kooxood ee Man United iyo Ligue 1 ee Nice ma suurtagalayso in ay labada kooxood ka wada qayb galaan Tartanka.

Inkastoo ay guuldarro 2-0 ah ka soo gaartay Rennes habeenkii sabtida, Nice ayaa ku jirta boos weyn oo ay ugu soo bixi karto Champions League ololaha soo socda iyadoo haatan ku jirta kaalinta afaraad ee kala sarreynta Ligue 1.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga