Kooxda Manchester United ayaa ka haray tartanka FA Cup-ka, kaddib markii ay guuldaro 2/1 kala kulantay Brighton wareegga 64-aad ee koobka, kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.
Brighton ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqaddii 12-aad iyadoo uu gool dhaliyay Brajan Gruda, kaddib kubbad uu difaacaha United iska fogeeyay oo gaartay Brajan, kaas oo si xirfad leh ugu hubsaday shabaqa.
Daqiiqaddii 64-aad, Danny Welbeck ayaa dhaliyay goolka labaad, kaddib kubbad uu ka helay Brajan, ka hor inta uusan gelin xerada ganaaxa isla markaana u dirin kubbad qurux badan gudaha goolka.
Waxaa xusid mudan in Manchester United ay sidoo kale hore uga hartay Koobka League-ga Ingiriiska (EFL Cup) wareeggiisii koowaad.
Be the first to comment