Man United Oo Ka Jawaabtay Dalab U Yimid Manuel Ugarte

Kooxda Manchester United ayaa diiday dalab uga yimid Ajax oo ku saabsanaa Manuel Ugarte.

Sida ay werisay The Athletic, Ajax ayaa raadinaysa khad dhexe oo cusub, waxaana Ugarte ka mid yahay ciyaartoyda ay xiiseynayaan.

Wadahadallo hordhac ah oo ku saabsanaa amaah ayay si cad u diiday Manchester United.

Weli lama oga in kooxda reer Holland ay dib ugu soo laaban doonto dalabkaas mar kale inta uu furanyahay suuqa January.

Ugarte ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Man United xilli ciyaareedkan waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga