Man United Oo Ka Fal Celisay Magacaabista Tuchel Ee Xulka England.

Manchester United ayaa u dhaqaaqday inay beeniso wararka sheegaya in kooxda ay heshiis la gaartay tababaraha cusub ee England Thomas Tuchel.

Tababaraha reer Germany ayaa loo magacaabay inuu noqdo bedelka Gareth Southgate Arbacadii, isagoo noqday tababarihii saddexaad ee aan Ingiriiska ahayn ee noqda tababaraha xulka qaranka.

Waxa ay soo gabagabeysay wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in Tuchel uu Old Trafford ka bedeli doono Erik ten Hag, iyadoo si weyn loola xiriirinayay kooxda.

Man United ayaa waraysatay Tuchel xagaagii hore waxana uu ahaa tababaraha ugu cad-cad in uu noqdo badalka Erik Ten Hag.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ugu dambeyntii go’aansatay inay Ten Hag siiso heshiis cusub oo hal sano ah waxayna dib u habeyn ku sameysay shaqaalihiisa labiska.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man United beenisay wararka sheegaya in ay doonaysay Tuchel.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga