Man United Oo Iska Fasaxday 9 Xiddig

Manchester United ayaa macsalaameyn doonta ugu yaraan sagaal ciyaaryahan maalinta Isniinta – iyadoo qandaraaskoodu uu dhacayo.

Red Devils ayaa hadda baadi goobaysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo isku diyaarinaya xilli ciyaareedka 2025/26 ee Premier League.

Matheus Cunha ayaa horay ugu soo biiray ooxda Man United waxaana socda wada xaajoodyo lagu doonayo in Bryan Mbeumo lagu keeno Old Trafford.

Wali ma kala cada ciyaartoyada kale ee iman Oona kooxd ka hor inta uuna xidhmin suuqa January 1 September.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaado bixitaanka, ugu yaraan sagaal ciyaaryahan ayaa hubaal ah inay ka tagi doonaan kooxda xagaagan.

United ayaa xaqiijisay in Jonny Evans, Victor Lindelof iyo Christian Eriksen ay dhamaantood ka tagi doonaan kooxda marka uu qandaraaskoodu dhamaado 30ka June, inkastoo United ay haatan xaqiijisay in Evans uu ka fariistay ciyaaraha islamarkaana uu noqon doono madaxa amaahda iyo wadooyinka akadeemiga kooxda.

Saddexda ciyaaryahan ayaa ka tagi doona Old Trafford iyagoo ah xor u ah in ay ku biiraan kooxda ay doonayaan 1 Bisha July, Tom Heaton ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ka tago United xagaagan madaama qandaraaskiisa dhacayo.

Iyada oo qayb ka ah liiskooda la sii daayay United ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in lix xiddig oo akadeemiyadeed ay ka tagi doonaan kooxda.

Hubert Graczyk, Jack Kingdon, Sam Murray, Tom Myles, James Nolan iyo Tom Wooster ayaa dhamaantood bixi doona kadib markii uu dhacay heshiiskoodu.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga