Man United Oo Iska Diiday Saxiixa Weeraryahan Loo Soo Bandhigay, Sabab.

Manchester United ayaa go’aansatay inaysan la soo saxiixan weeraryahanka reer Serbia Dusan Vlahovic oo ka tirsan Juventus, inkasta oo loo soo bandhigay saxiixiisa todobaadkan.

Wararka ayaa sheegaya in jawaabta Man United ayna ahayn mid la yaab leh marka la eego in ay doonayaan saxiixa xiddiga kooxda RB Leipzig ee Benjamin Sesko.

Man United ayaa aad u doonaysa weeraryahan si ay u xoojiso kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Wakiilada Vlahovic ayaa u soo bandhigay xiddiga reer Serbia laakiin Man United ayaa iska diiday saxiixa xiddiga.

Waxaa xusid mudan in Manchester United ay dalab rasmi ah u dirtay Leipzig si ay u hesho saxiixa xiddiga RB Leipzg ee Benjamin Sesko.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga