Man United Oo Isha Ku Haysa In Ay Ka Fogaato Rikoodh Xun Kulanka Liverpool

kooxda Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn Marka ay wajahayso Liverpool maalinta Axada kulan ka tirsan horyaalka premier league.

Man United Ayaa ilaa haatan Laga badiyay 11 kulan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan Kadib guuldaradii ka Soo gaadhay Chelsea.

Xilli ciyaareedkan kooxda ayaa ku jirta kaalinta 6 ee horyaalka premier league iyada Oo si weyn u dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan.

Ka Hor kulanka ay la ciyaarayso Liverpool, Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn.

Hadii ay Liverpool ka badiso Man United waxa ay dhigi doontaa Rikoodh xun Oo ah Iaga badiyay 12 kulan horyaalka premier league.

Markii ugu dambaysay ee Man United Laga badiyo 12 kulan horyaalka xilli ciyaareedkii waxa ay ahayd 2013/2014 markaas Oo kooxda hogaaminayay Moye iyo Giggs.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga