Man United Oo Guuldaro Xun Kala Kulantay Brentford.

Kooxda Manchester United ayaa sii waday guuldarrooyinkeedii iyadoo mar kale laga badiyay kulankeedii saddexaad ee 6-dii kulan ee ugu horreysay horyaalka Premier League, kadib markii ay guuldarro kala kulantay kooxda Brentford oo marti loogu ahaa garoonkeeda.

Laacibka reer Brazil ee Igor Thiago uma sugin waqti badan inuu jebiyo shabaqa kooxda Red Devils, isagoo ka faa’iideystay baas cajiib ah oo uu ka helay Jordan Henderson, wuxuuna si toos ah ula baxay goolhayaha Manchester United isaga oo dhaliyay goolka daqiiqaddii 8aad ee ciyaarta.

Kooxda Brentford ayaa sii xoojisay cadaadiska ay saartay Manchester United iyadoo isla laacibkii hore, Igor Thiago, uu mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 20-aad, taasoo ka dhigtay natiijada 2-0.Manchester United waxay ka jawaabtay markii laacibka Benjamin Sesko uu dhaliyay goolka koowaad ee kooxdiisa si uu u yareeyo farqiga, taasoo dhacday daqiiqaddii 26-aad, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta ku dhamaatay 2-1.

United waxay heshay fursad qaali ah oo ay natiijada ku barbareyn lahayd markii ay heshay rigoore daqiiqaddii 76-aad, balse kabtanka kooxda, Bruno Fernandes, ayaa ku fashilmay inuu dhaliyo.

Wax yar ka hor dhamaadka, daqiiqaddii 96-aad, beddelka Brentford ee Mathias Jensen ayaa xaqiijiyay guusha kooxdiisa isagoo dhaliyay goolka saddexaad kadib weerar rogaalcelis ah oo hufan, isagoo ku dhameystiray laad xooggan oo uu ku hubsaday shabaqa United.

Guushan waxay Brentford siisay 7 dhibcood taasoo ka dhigtay inay ku jirto kaalinta 11-aad ee kala sarreynta, halka Manchester United ay sidoo kale haysato 7 dhibcood balse ay hoos ugu dhacday kaalinta 13-aad, iyadoo farqiga goolasha lagu kala saaray, si ku-meel-gaar ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga