Kooxda Man United ayaa ka badbaaday guuldaro kulankii ay La ciyaartay Tottenham kaas oo ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah .
Bryan Mbeumo ayaa Manchester United hoggaanka u dhiibay gool madax ah kaddib kubbad uu ka helay Amad Diallo daqiiqaddii 32-aad, waxaana qeybtii hore lagu soo gabagabeeyay iyadoo goolkaas lagu hoggaaminayo.
Kadib nasashada, Manchester United ayaa seegtay fursado dhowr ah oo ay ku laba-laabi lahayd natiijada, ka hor inta aysan ciyaartu u muuqan mid ku socota dhanka guusha martida.
Si kastaba ha ahaatee, Mathys Tel ayaa dib ugu soo celiyay ciyaarta heerkeedii hore isagoo dhaliyay goolka barbaraha qiyaastii lix daqiiqo ka hor dhamaadka waqtiga caadiga ah, kaddib laad cajiib ah.
Tottenham ayaa markaas ciyaarta rogmaday, iyagoo dhaliyay gool labaad oo uu saxiixay weeraryahanka reer Brazil Richarlison, kadib markii uu si fudud madax ugu taabtay kubbad xooggan oo uu toogtay saaxiibkiis Udogie, taasoo gashay shabaqa Red Devils daqiiqaddii ugu horreysay ee waqtiga lagu daray.
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ma aysan quusan natiijada inkastoo waqtigu uu yaraa, waxayna awood u yeesheen inay dhaliso goolka barbaraha daqiiqaddii 96-aad, oo uu madax ku dhaliyay daafaca reer Holland Matthijs de Ligt kaddib kubbad uu ka helay Bruno Fernandes.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Tottenham ay dhibcaha kor u qaadday ilaa 18, taasoo gelisay kaalinta saddexaad iyada oo ay keliya farqiga goolasha uga sarreyso Manchester United, taasoo si ku-meel-gaar ah u jirta kaalinta toddobaad.
Be the first to comment