Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Ten Hag, Kooxihii Doonayey Osimhem Oo Faraxsan, Guirassy Oo Si Adag Loogu Dagaallamayo Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

Manchester United ayaa khatar ugu jirta inay lumiso difaaca reer France ee Raphael Varane oo uu waliba si bilaash ah kaga tago marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda. 30 jirkan ayaa Red Devils ka tegi karaya iyadoo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa. (Athletic)

Barcelona iyo kooxo kale oo reer Yurub ah ayaa doonaya inay la saxeexdaan weeraryahanka Manchester United ee Mason Greenwood oo amaah sannad ah ugu maqan Getafe. (TalkSport)

Napoli waxay wada-hadallo uu heshiis ka dhashay la gashay Victor Osimhem oo ogolaaday inuu u saxeexo qandaraas soconaya illaa sannadka 2026, laakiin waxa heshiiskiisa lagu daray qodob dhigaya in £115 milyan oo Gini lagu burburin karayo qandaraaskiisa. Waxay arrintani farxad u tahay kooxihii doonayay dhaliyahan oo kaliya u baahan inay bixiyaan lacagtaas si ay ula wareegaan. (Sky Sports)

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag khatar uguma jiro in shaqada laga caydhiyo, illaa inta uu Sir Jim Ratcliffe la wareegayo 25% mulkiyadda Red Devils. (Independent)

AC Milan waxay wada-hadallo kula jirtaa Arsenal oo ay ka doonayso inay heshiis amaah ah kaga qaadato difaaca reer Poland ee Jakub Kiwior oo 23 jir ah. (Calciomercato)

Difaaca kooxda Borussia Monchengladbach iyo xulka qaranka Switzerland ee Nico Elvedi oo 27 jir ayaa kusoo baxay liiska ciyaartoyda ay bartilmaameedsanayo Chelsea oo raadinaysa beddelka Reece James. (Teamtalk)

Dagaalka loogu jiro Serhou Guirassy ayaa sii adkaaday, waxaana si adag usoo gashay West Ham oo doonaysa inay ku garaacdo kooxo waaweyn sida Borussia Dortmund iyo Manchester United oo doonaya 27 jirkan bisha January. (Bild)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga