Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ten Hag Ka Hor Final FA Cup-ka

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay Go’aansatay in ayna shaqada ka caydhin Tababare Erik Ten Hag ka hor finalka FA Cup ee ay bishaan la ciyaarayaan Manchester City.

Ten Hag ayaa wajahaya cadaadis Waali ah Kadib Guuldaradii Kooxdiisa ka Soo gaadhay Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Man United ayaa go’aan xasaasi ah ka gaartay mustaqbalka Ten Hag ka dib guuldaradii naxdinta lahayd ee Isniintii ka soo gaartay Palace.

Wararka ayaa Sheegaya in ayna Man United shaqada ka caydhin doonin Tababare Erik Ten Hag Ka Hor Final FA Cup-ka.

Waxa la rumaysan yahay in ay maamulka Manchester United u ogolaan doonaan tababaraha in uu kooxda ku hogaamiyo koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga