Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ruben Amorim Kadib Markii Loo Soo Bandhigay Tababare Xavi.

Halyeeyga Barcelona, Xavi, ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu beddelo Ruben Amorim kooxda Manchester United, sida ay sheegayaan wararka.

Amorim ayaa wajahaya cadaadis weyn oo ka jira Old Trafford kadib bilowgii niyad-jabka lahaa ee xilli ciyaareedkan ee United.

Red Devils ayaa guul gaartay kaliya labo kulan oo ka mid ah toddobada kulan ee ugu horreeyay, guuldaradii Sabtidii ka soo gaartay Brentford-na waxay ku reebtay kaalinta 14-aad ee Premier League.

Amorim weli ma guuleysan laba kulan oo xidhiidh ah.tan iyo markii uu beddelay Erik ten Hag bishii November ee la soo dhaafay, isagoo helay kaliya 33 dhibcood 34 kulan oo uu tababare ahaa.

Qayb weyn oo taageerayaasha Manchester United ah ayaa aaminsan in Amorim laga eryo shaqada, iyadoo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England, Joe Cole, uu sidoo kale codkaas la qaatay ka dib guuldarada 3-1 ee Brentford.

Warar ayaa soo jeediyay in Manchester United ay ugu yaraan bilaabeen inay ka fiirsadaan inay shaqada ka eryaan Amorim, iyadoo la diyaarinayo liis gaaban oo magacyada macalimiin beddel u noqon kara tababaraha hore ee Sporting.

Tan iyo guuldarada Brentford, Sir Gareth Southgate, Oliver Glasner, iyo Andoni Iraola ayaa dhammaantood lagu xusay inay la xiriiraan shaqada tababarenimada ee Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, BBC Sport ayaa sheegtay in guddiga Manchester United ay weli si buuxda u taageersan yihiin Amorim, isla markaana aaminsan yihiin inuu xaq u leeyahay xilli ciyaareed buuxa si uu u cadeeyo inuu yahay qofka ku habboon ee dib u hagaajin kara xaaladda kooxda.

Masuuliyiinta United ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in magacyada beddelka Amorim la diyaariyay, inkastoo dulqaadkooda la hubin doono haddii natiijooyinka aysan hagaagin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga