Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ruben Amorim Kadib Guuldaradii Manchester Derby.

Ruben Amorim ma jiro khatar uu ku waayi karo shaqadiisa Manchester United inkastoo kooxdu ay si xun uga ciyaartay derby-ga, taasoo sii xumeysay bilowga xilli ciyaareed cusub, sida wararku sheegayaan.

Red Devils si sahlan ayaa looga adkaaday 3-0 kulankii Manchester Derby iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Man City.

Ciyaartii ugu dambeysay ee qaladaadka badan ee Manchester United waxay keentay falcelin horey loo arkay marar badan, iyadoo ciyaartooydii hore ee haatan faallaystayaasha ah sida Roy Keane iyo Gary Neville ay mar kale si adag u dhaleeceeyeen kooxda, iyagoo sheegay inay horumar la’aan yihiin.

Dhanka kale, gooldhaliyaha ugu goolasha badan taariikhda kooxda, Wayne Rooney, ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay tan iyo markii la wareegay tababaraha hadda jooga.

Guuldarradii xanuunka lahayd ee derby-ga waxay sii xumeysay bilowga liita ee xilli ciyaareedka kooxda Manchester United ee garoonka Old Trafford, iyadoo kooxda Ruben Amorim ay hal kulan kaliya ku guuleysatay isla markaana ay saddex ka mid ah shan kulan ay lumiyeen tartamada oo dhan.

Dhibaatadooda sii socota ayaa gaartay heer aad u hooseeya bishii hore, markii laga reebay Carabao Cup wareeggiisa labaad iyadoo lagu garaacay rigooreyaal ay la ciyaareen kooxda heerka afaraad ka ciyaarta – Grimsby Town.

Inkastoo Ruben Amorim uu taageerada milkiilayaasha kooxda haystay xagaagii, waxaa la filayay inuu u baahnaan doono bilow adag oo xilli ciyaareedka ah si uu xilkiisa u sii hayo muddo dheer, maadaama uu la wareegay kooxda xilli ciyaareedkii hore bartamihiisii kadib bixitaankii Erik ten Hag bishii November – xilli uu mas’uul ka noqday mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu xumaa ee Premier League ay kooxda soo marto.

Balse taa beddelkeed, kooxda ayaa haatan ku jirta bilowgii ugu liitay ee xilli ciyaareed tan iyo 33 sano ka hor, inkastoo ay qarash gareeyeen in ka badan £200 milyan oo ginni oo lagu keenay ciyaartoy cusub.

Cadaadiska ayaa sii kordhaya Ruben Amorim – kaasoo ku adkeystay in Manchester United ay tahay inay shaqada ka ceyriso haddii la rabo inuu beddelo falsafadiisa iyo nidaamkiisa ciyaareed – iyadoo hadal-heyn xoog leh ay weli ka jirto mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Manchester Evening News ayaa Isniintii ku warramay in tababaraha reer Portugal uu weli haysto taageerada maamulka sare ee Manchester United, inkastoo uu kaliya ku guuleystay siddeed ka mid ah 31-kii kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka Premier League uu hoggaaminayay kooxda.

Wargeysku wuxuu soo xigtay ilo aan la magacaabin oo ku dhow Ruben Amorim, kuwaas oo la sheegay inay qirteen in ay tahay arrin “la yaab leh” in booskiisu uusan weli khatar ku jirin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga