
Manchester United ayaan wax qorshe ah u haynin inay shaqada ka caydhiso tababare Ruben Amorim xagaagan xitaa haddii uu ku guul darraystay inuu kooxdu ku fashilanto ku guulaysiga Europa League sida ay sheegayaan wararku.
Amorim ayaa la shaqaaleysiiyay bishii November si uu isugu dayo inuu hagaajiyo qalalaasihii ka haray xukunkii madaxii hore ee Erik ten Hag, laakiin wax yar ayaa saadaaliyay xaalada ay Red Devils isku arki doonto xilligan.
United ayaa hoos ugu dhacday kaalinta 16-aad ee kala saraynta Premier League laakiin waxa ay soo celin kartaa kalsoonidii markii ay garaacday Tottenham Hotspur finalka Europa League isla markaana ay boos ka helaan champions League xilli ciyaareedka dambe.
Tababaraha kooxda United ayaa qirtay inuu ka xishooday xaalada kooxda, wuxuuna dhawaan furay albaabka bixitaan naxdin leh xagaagan, isagoo ku adkeystay in qof walba oo ku lug leh United ay u baahan yihiin inay keenaan isbedel ama ay u baneeyaan qof kale oo is badal samayn kara.
Maamulka sare ee Man United ayaan wax qorshe ah u hayn in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Amorim, The Guardian-ka ayaa sheegay in kuwa mas’uulka ka ah qaadashada go’aamadan oo kale, ay si adag uga dambeeyaan tababaraha hadda oo ay aqoonsadaan baahida loo qabo saxiixyo ciyaartoy si fiican ugu habboon nidaamka.
Be the first to comment