Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Rashford.

Manchester United ayaa go’aansatay inay iska iibiso weeraryahankeeda Marcus Rashford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Florian Plattenberg ayaa yidhi: “Manchester United waxa ay iibin doontaa Marcus Rashford waxana ay diyaar u tahay in ay iska iibiso January”.

Wuxuu ku daray: “Kooxdu waxay aqoonsan tahay horumarka Rashford laakiin kooxdu waxay u aragtaa mid la iibin karo.”

Waxa uu intaa ku daray: “Mid ka mid ah sababaha loo hadal hayo iibintiisa ayaa ah in laga takhaluso mushaharkiisa sare”.

Iibinta Rashford ayaa United ka caawinaysa in ay si fiican u xoojiso kooxda suuqa Soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga