Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mainoo.

Kobbie Mainoo looma oggolaan doono inuu ka tago Manchester United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha January.

Ciyaaryahanka da’da yar ee khadka dhexe ayaa helay waqti ciyaareed oo kooban xilli ciyaareedkan, balse tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si cad u sheegay in Mainoo uu sii joogi doono kooxda isla markaana uu qayb ka yahay qorshihiisa mustaqbalka fog.

Amorim ayaa dhawaan sheegay in Mainoo “mar walba heli doono fursadda uu caadi ahaan helo,” isagoo amaanay dabacsanaantiisa iyo awooddiisa inuu ka ciyaaro boosas kala duwan.

“Wuxuu ka ciyaari karaa booska difaaca khadka dhexe, nidaamka saddexda ciyaaryahan ah, ama xitaa booskii uu Mason Mount ka ciyaaray kulankeennii ugu dambeeyay,” ayuu raaciyay.

Amorim ayaa kalsooni weyn ku qaba hibada Mainoo, isagoo ku tilmaamay “mustaqbalka Manchester United.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga