Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Daafaca Jarrad Branthwaite Kadib Markii Ay Everton Diiday Dalabkii 35 Milyan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay bartilmaameedkooda kale kadi markii ay Everton diiday in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso daafaca dhexe ee Jarrad Branthwaite.

Reda Devils ayaa dalab 35 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Everton ee Jarrad Branthwaite.

Laakiin Everton ayaa diiday dalabkii Man United sabab la xidhiidha in ay ku qiimayso xiddiga lacag dhan 70 ilaa 80 milyan oo euro.

Branthwaite ayaa dhinaciisa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Man United waxana uu diyaar u yahay in uu ku biiro Man United.

Laakiin Everton ayaa diidan in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso daafaca reer England.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa bartilmaameed kale u dhaqaaqaysa si ay ugu xoojiso daafaceeda Suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga